Hadii uu 3 jeer passportku kaa lumo, waxaa laguu diidi karaa inaad passport cusub hesho

0
177

Sanad walba waxaa isku cel-celis luma ama la xadaa 33.000 oo passport Norwiiji ah. Sidaas darteed ayay hey´ada maamusha booliska Norway sheegtay inay wax ka badali doonto xeerarka cusbooneysiinta passporada, iyaga oo sheegay in tiradaas ay tahay mid aad u sareyso. Waxaana hada dhici karta in laguu diido inaad hesho passport cusub, hadii aadan taxadarin.

Hadii mudo 10 sano gudahood ah, aad passportkaaga lumiso labo jeer, waxaad heli doontaa digniin ku saabsan inuusan mar danbe kaa lumin. Hadii uu mar sadexaad kaa lumo mudo 10 sano gudahood ah, waxaa dhici karta in laguuba diido inaad cesho passport cusub mudo sadex sano ah(hadba waxey qiimeynayaan xaalada markaas jirto).

Xeerka passport bixinta ayaa dhigayo in qofka loo diidi karo in loo cusbooneysiiyo passportka, hadii ay jirto sabab keeni karto dacayaad soo noq-noqoto oo ka timaado qofka passportka la siinayo.

Arintan ayaa timid kadib markii booliska Norway ay sheegeen in dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ay kor u kacday tirada dadka loo cusbooneysiiyay passportka. Sanadkii lasoo dhaafay oo kali ah, waxey booliska Norway bixiyeen 107 000 passport oo cusub.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no TA

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments