Germany: Wiil soomaali ah oo dhaawac halis ah lagu gaarsiiyay magaalada Weißenfels

0
166

Sida ay qoreyso wakaalada wararka dalka Germany ee DPA, wiil soomaali 23-sano jir ah ayaa dhaawac halis ah loogu geystay magaalada Weißenfels ee gobolka Sachsen-Anhalt ee dalka Germany.

Sida ay qorayaan qaar kamid ah warbaahinta Germany, wiilkan ayaa waxay muran dhex-mareen kooxo kale, wax yar kahor inta aan dhaawacyada loo geysan. Wiilkan oo la dhigay isbitaalka ayaa waxey boolisku sheegeen inay soo gaareen dhaawacyo halis ah oo noloshiisa halis galin kara.

Soomaalida magaalada Weißenfels ayaa NorSom News u sheegtay in kooxaha wiilkaas soomaaliga ah dhibaatada gaarsiiyay ay ahaayeen kooxo cunsuriyaan soo galooti naceyb ah.

Booliska magaalada Weißenfels ayaan wali qoraal rasmi ah kasoo saarin dhacdadaas. Waxeyna sheegeen inay baadigoob ugu jiraan labo qof oo markhaati ah, kuwaas oo ka agdhawaa goobta ay wax ka dhaceen.

Xigasho/kilde: Volksstimme.de

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments