fredag, mars 29, 2024

Erna Solberg oo maanta kumanaan muslimiin ah kala qeybgashay salaada ciida ee magaalada Oslo

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg iyo qaar kamid ah golaheeda wasiirada ayaa maanta salaada ciida kala qeybgalay kumanaan muslimiin ah oo isugu yimid hoolka vallhall ee magaalada Oslo.

Erna ayaa tukashada salaada ciida kadib, qudbad ka jeedisay hoolka Vallhall, waxeyna dhamaan muslimiinta reer Norway ugu hambalyeysay farxada ciida. Iyada oo dhan kalena ku dhiirigalisay in laga digtoonaado waxyaaba kala fogeyn bara bulshoweynta reer Norway, laguna dadaalo sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen.

Solberg ayaa sidoo kale raacisay in Norway ay maanta noqotay wadan ay ku noolyihiin dad badan oo kala aaminsan diimo kala gadisan, isla markaana dhaqamo kala duwan leh. Sidaas darteed ay muhiim tahay in qof walba uu dhankiisa qaado masuuliyad ah sidii lagu ilaalin lahaa wadajirka bulshoweynta reer Norway. iyo nabada ay wada heystaan.

Dhanka kale waxaa hoolka salaada ciida ee vallhall maanta lagu arkayay dad ka socdo xisbiyada siyaasada dalkan Norway, kuwaas oo qeybinayay waraaqo ay ku qorantahay ciid Mubaarak iyo ubaxyo. Arintan ayaa qeyb ka ah loolanka ay xisbiyadu ugu jiraan sidii ay u kasban lahaayeen codadka dadka muslimiinta ah , maadaama ay soo dhowdahay xiligii doorashada.

Xigasho/kilde: VG, NRK, AFTENPOSTEN.NO

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x