Doorashada Baarlamaanka ee U.K oo maanta dhacaysa

0
115

Dadka Britain ayaa maanta u dareerey goobaha codbixinta si ay u soo doortaan Xisbigii dalka hoggaamin lahaa sanooyinka soo socdo. Dad gaaraya 47 milyan oo qof ayaa isu diiwaan geliyey in ay codkooda dhiibtaan, waxaana ay doranayaan 650 Xildhibaan oo uu Baarlamaanku dalkaas ka kooban yahay.

Xisbiyada sida weyn ugu tartami doona ayaa kala ah Xisbiga muxaafadka ee Conservative-ka ee hadda haysta aqlabiyadda Baarlamaanka iyo Xisbiga Shaqaalaha ee Labour party.

[adsenseyu2]

Doorashadan ayaa ah mid wakhitgeedi laga soo hormariyey, waxaana ku dhawaaqdey Raysalwasaraaha hadda Theresa May oo iyada aan la soo dooran ee ku timid beddel kadib markii David Cameron is casiley, sababta ay doorashada degdega ah ugu dhawaaqdey ayaa ah in ay awood u hesho gorgortanka Midowga Yurub oo Britain ay ka baxdey kadib afti dadweyne.

Baaritaano iyo qiyaas la sameeyey ayaa lagu ogaadey in Xisbiga Muxaafadka ee Konserfatifku uu guulkeysan karo, laakiin waxaa la is weydiinayaa in uu dhumin karo aqlabiyadda baarlamaanka oo ay ku dhacdo Theresa May wax badso wax beel ayey keeni kartaa.

Xisbiga Scottish National Party ayaa ku doodaya haddii ay doorashada Sctoland ku guuleystaan in macnaheedu yahay in mar labaad afti laga qaado dadka Skotland in ay isaga baxaan Britian iyo in kale.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments