torsdag, mars 28, 2024

Denmark: Qoys soomaali ah oo dib loogu soo celiyay sharcigooda magangalyada, ogow sababta

Qoys soomaali ah oo ka kooban gabar yar iyo hooyadeed, ayaa loo ogolaaday inay Denmark soo joogaan, kadib markii dowlada dalkaas ay mar hore ku amartay inay Denmark isaga baxaan.

Go´aanka qoyskan loogu ogolaaday inay dalkaas sii degenaadaan, ayaa waxaa gaaray hey´ada looga dacwooda go´aanada dowlada  ee ku aadan arimaha qoxootiga. Goáankaas ayay hey´adu ku micneysay in gabadha yar ee qoyskaas soomaaliyeed ay khatar ugu jirto in la gudo, hadii dib loogu celiyo Soomaaliya. Iyada oo la sheegay in 95-98% dumarka soomaaliyeed ee Soomaaliya kunool, ay la kulmaan gudniin.

Qoyskan ayaa kamid ah guud ahaan 800 qof oo soomaali ah, kuwaas oo dowlada Denmark ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharcigooda magangalyada.

Xigasho/kilde: Politiken.dk 

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x