(Cunsuriyad):Hooyo soomaali ah oo mindi lagu weerararay bartamaha magaalada Oslo

0
116
Foto: Skjermdump: Dagbadet

Sida uu qorayo wargeyska Dagbladet, ayna boolisku xaqiijiyeen, hooyo soomaali ah oo lagu magacaabo Safiyo Ciise Saalax ayaa maalintii talaadada aheyd, mindi lagu weeraray bartamaha magaalada Oslo, iyada oo dhaawacyo ay kasoo gaareen labada gacmood. Falkan weerarka ah ayaa waxaa geystay labo nin oo cadaan ah(ay u badantahay inay Norwiiji yihiin), wuxuuna ka dhacay xaafada Grunnerløka ee bartamaha magaalada Oslo.

Safiyo ayaa wargeyska Dagbladet u sheegtay inay wiilkeeda geysay iskuulka Grunnerløka, iyaga oo markaas ka imaaday dhaqtarka ilkaha. Waxeyna rabtay inay waxyar ku nasato meelaha ay dadka ku nastaan. Waxaana garab fadhiyay labo nin cadaan ( oo norwiiji u eg) sida ay Safiyo sheegtay.

 

Labadooda kii u dhawaa ayaa weydiiyay, xageed ka timid?, Safiyo uma aysan jawaabin, iyada oo isku mashquulisay telefonkeeda gacanta, iyada oo isla markaana isha ku heyso kursiga ku xiga. Daqiiqad kadib ayay aragtay ninkii oo istaagay, isaga oo gacanta ku wato mindi. Safiyo ayaa weydiisay, maxaad sameyneysaa, wuxuuna ku jawaabay ereyo cay ah isaga oo wax ka sheegayo midabkeeda iyo diinteeda.

[adsenseyu2]

Hooyadan soomaalida ah oo u warantay Dagbladet ayaa sheegtay:

Wuxuu mindida si toos ah ula beegsaday xabadka ama qoorta, laakiin waxaan isku tuuray dhinaca bidix, waxeyna mindidu iiga dhacday gacanta midig. Waxaan isku dayay inaan istaago, laakiin kii kale ayaa qoor-sagaaro(daro) igu qabtay, iyada oo kii minidada wateyna uu dhulka i dhigay, isaga oo gacanta bidix mindida iigaga dhuftay. Waxaan gacanta ka qaniinay kii qoorta i hayay, waxaana dalbaday in la i caawiyo. 

Safiyo ayaa waxey dhaawacyo kasoo gaareen gacmaha, waxaana markii hore loo cararay Legevaktaha(xarunta gargaarka deg-dega ah) kahor inta aan loo qaadin isbitaalka Rikshospital.

Dadkii goobjooga ka ahaa dhacdadan ayaa booliska ku wargaliyay , iyaga oo nimankii falkaas geystay ay baxsadeen kahor inta aysan boolisku goobtaas soo gaarin. Ilaa hada booliska ayaan gacanta kusoo dhigin nimankii falkaas ka danbeeyay, waxeyna sheegeen inay dib u fiirin doonaan Kaamirooyinka ku xiran aagaas hooyadan soomaalida ah lagu weeraray.

Qareenka hooyadan ayaa Dagbladet u sheegay inay sii dabagali doonaan dhacdadan, ilaa laga soo qabto kuwii falkan ka danbeeyay.

Xigasho/kilde: Dagbladet.no(halkan ka akhri warkan oo afnorwiiji ah)

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments