Berlinske: Hadalka Fiqi wuxuu shaki wiiqayaa qorshaha dowlada Denmark

0
160

Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya midowga Yurub ayaa shaley wargeyska Politiken u sheegay in dowlada Soomaaliya aysan wax heshiis dib u celin ah kula jirin dowlada Denmark. Isaga oo raaciyay inuu arintaas ka xaqiiqsaday madaxa laanta socdaalka dowlada Soomaaliya iyo madaxda kale ee dowlada, kuwaas oo uu xiriir dhow la leeyahay.

Warbaahinta dalka Denmark ayaa ilaa shaley si aad ah u hadalheysay hadalka danjire Fiqi, waxeyna qorayeen in hadalkaas uu caqabad weyn ku noqon karo qorshaha dowlada Denmark ee ku saabsan dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed.

Martin L.Petersen oo ah khabiir ku xeeldheer arimaha soo galootiga ayaa wargeyska Berlinske u sheegay in hadalka danjire Fiqi kasoo yeeray uu wiiqayo qorshaha dowlada Denmark ee dib u celinta, maadaam aysan jirin cid damaanad qaadi karta amaanka dadkaas, Denmarkna uu xil ka saaranyahay ilaalinta xuquuqda amni ee dadka dalkeeda ku sugan.

Martin Henriksen oo katirsan xisbiga xagjirka ah ee D.F ayaa isna dhankiisa sheegay in hadalkaas uu yahay fariin aan lagu farxin, balse wuxuu ku adkeystay inay sii socon doonto howsha ka shaqeynta codsiyada dadka dib loo qiimeynayo magangalyadooda.

Isku soo wada duuboo, dowlada Denmark ayaa u muuqato mid wajaheyso caqabad kaga soo aadi doonto dib u celinta dadka soomaaliyeed oo ay sheegeen inay dib u qiimeyn doonaan magangalyadooda. Iyada oo aad moodo in Denmark ay tusaale iyo tijaabo ka dhigeyso go´aanadan saameynta ku leh boqolaalka soomaalida ah ee dalkaas magangalyada weydiistay.

Xigasho/kilde: Berlinske.dk

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments