Amb. Fiqi oo dowlada Denmark ka dalbaday in Soomaaliya ay ku celiyaan wiil soomaali ah oo xanuunsan

0
280

Safiirka Soomaaliya u fadhiyo midowga Yurub, Danjire Ali Said Fiqi ayaa dowlada Denmark ka dalbaday inay dalkiisa u celiyaan Abdulle Ahmed oo ah wiil soomaali ah oo maskax ahaan u xanuunsan, isla markaana mudo 15 sano ah ku xirnaa xarun lagu xanaaneeyo dadka dhimir ahaanta u xanuunsan.

Abdulle ayaa ku xiran xarun kamid ah kuwa ugu ilaalo adag Denmark, wuxuuna la xiranyahay dad geystay danbiyo waaweyn, inkasta oo uu yahay qof maskax ahaan u xanuunsan, sida ay qorayaan warbaahinta Denmark.

Fiqi ayaa qoyska wiilkaas kala shaqeynayo sidii ay ugu guuleysan lahaayeen in xaruntaas laga soo bixiyo, isla markaana dib loogu celiyo wadankiisii hooyo ee Soomaaliya. Wiilkan ayaa la geeyay isbitaalka dadka maskax ahaanta u xanuunsan, iyada oo la sheegay inuu isbitaalka ka dhex bilaabay falal cunfi ah, taas oo ugu danbeyn keentay in loo aqoonsato qof khatar ku ah mujtamaca, loona wareejiyo xaruntaas uu hada ku xiranyahay.

[adsenseyu2]

Sawirka Abdulle Ahmed

Qoyska wiilkan ayaa dadaal iyo dagaal dheer u galay sidii Abdulle looga soo saari lahaa halkaas, iyada oo ay hada garab ka heleen safiirka Soomaaliya u fadhiyo midowga Yurub, Dr. Said Ali Fiqi.

Wasiirka arimaha dastuurka dalka Denmark ayaa waxaa hada soo food-saaray culeys ah inuu go´aan ka gaaro xaalada wiilkaas soomaaliga ah, kadib dalabka uu soo diray safiir Fiqi, sida ay qorayaan warbaahinta Denmark.

Qisada iyo sheekeada wiilkan soomaaliga ah ayaa caan ka ah dhamaan warbaahinta Denmark, iyaga oo ay wax qorayeen tan iyo markii ay arintiisu soo bilaabatay.

Xigasho/kilde: Nordjyske.dk 1, Nordjyske.dk 2 

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments