16-jirkii ka danbeeyay dilka Yacquub iyo Tone oo 11 sano oo xabsi ah lagu xukumay

0
167

Maxkamada magaalada Kristiansand ayaa maanta 11 sano ah oo xabsi ah ku xukuntay 16-jirkii norwiijiga ahaa ee ka danbeeyay  dilka Yacquub Abdullahi Hassan iyo Tone Illebek. Xukunkan 11-ka sano ah ayaa hal sano ka badan kii 10-ka sano ahaa ee uu maxkamada ka codsaday dacwad oogaha kiiska kusoo oogay 16-jirkan norwiijiga ah.

16-jirkan norwiijiga ayay maxkamadu ku xukuntay inuu ugu yaraan guto 7 sano iyo afar bilood oo xukunkaas kamid ah, waxaana mar kale dib loo qiimeyn doonaa inuu mujtamaca khatar ku yahay marka uu dhameysto mudadaas 11-ka sano ah ee lagu xukumay.

16-jirkan ayaa bilowda bishii Desember si arxan daro ah magaalada Kristiansand ugu dilay Yacquub Abdullahi Hassan oo ay aqoon ka dhaxeysay iyo Tone Ilebekk oo isku dayday inay soo kala dhexgasho.

Xigasho/kilde: TV2.NO 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments