fredag, april 19, 2024

Xamaas oo markii ugu horeysay taariikhda ogolaatay jiritaanka dowladnimada Israel

Ururka muqaawamada reer Falastiin ee Xamaas, ayaa markii ugu horeysay taariikhda ogolaaday, in dhulka Falastiin uu yahay halkii ay xuduudaha Israel iyo Falastiin kala ahaayeen dagaalkii lixda maalmood ee dhacay sanadkii 1967. Taas oo ka dhigan in markii ugu horeysay taariikhda ay ogolaadeen jiritaanka dowladnimada Israel. Iyaga oo ogolaaday in dowlad gaar ah loo dhiso Falastiin, taas oo daris la noqon karta Israel.

Gudoomiyaha garabka siyaasiga ah ee Xamaas, Khaled Mishcal oo  ayaa maanta magaalada Doha ee dalka Qatar ka iclaamiyay programka cusub ee ururka Xamas. Kaas oo uu kusoo bandhigay isbadalka ku yimid aragtida Xamaas ee ku aadan dowladanimada iyo xuduudaha Israel.

Xamaas ayaa wali ku adkeysaneysa in dagaal oo kaliya uu yahay wadada kaliya ee lagu soo celin karo xornimada Falastiin. Iyaga oo sheegay in dagaalka kala dhaxeeyo Yuhuuda uusan mid la xiriira diintooda, balse uu yahay ay ugu soo horjeedaan gumeysiga dhulka reer Falastiin ee Israel.

Afhayeen u hadlay reysulwasaaraha Israel, Benjamin ayaa sheegay in arintan ay Xamaas uga dan-leedahay is tus-tus iyo show siyaasadeed, isla markaana ay rabaan inay indhaha caalamka leexiyaan.

Xigasho/kilde: VG.NO , The Guardian

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x