(Video): Barnaamij NRK: Xaaladii kacsaneyd ee geeska Afrika iyo 1977 iyo awoodii/dowladnimadii Soomaaliya ee xiligaas.

0
220

Barnaamijkan wuxuu tv-ga qaranka Norway ee NRK, markii ugu horeysay ka baxay 28-kii bishii Juni, sanadkii 1977. Xiligaas oo ay jirtay xaalad kacsanaan ka taagneyd geeska Afrika, waana isbuucyo kahor inta uusan qarxin dagaalkii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ethopia.

Muuqaalkan daawo ama caruurtaada qurbaha ku kortay/dhalatay tus, si ay u ogaadaan in soomaalidu ay ahaayeen dad laga heybeysto, aduunkuna micno iyo awood ku lahaa.

Waxyaabaha iyo taariikhaha muhiimka ah ee aad ka arki karto waxaa kamid ah:

  1. Awooda ciidan oo ay Soomaaliya laheyd xiligaas iyo sida ay hormuud laga cabsado ugu aheyd dhamaan awoodihii ciidan ee Afrika xiligaas ka jiray.

  2. Fikirkii Soomaali weyn(shanta soomaaliyeed) iyo sida uu ugu weynaa shacbiga iyo dowladii milatariga Siyaad bare ee xiligaas. Sharaxaad ku saabsan fikirka shanta soomaaliyeed iyo sababta ay shacabka soomaaliyeed u aaminsanaayeen.

  3. Xornimadii Jabuuti iyo wareysi ismaaciil Cumar geele 1977

  4. Su´aal ku saabsaneyd jabuuti ma dal gaar ah ayey noqon mise Soomaaliya ayey qeyb ka noqon. Xurguf: canfarta iyo Ciisaha.

  5. Dagaalka sokeeye ee ka socday dhulka Ereteriya oo xiligaas katirsanaa Ethopia. Taageerada wadamada Suudaan iyo Soomaaliya ee jabhada xornimo u dirirka Ereteriya.

  6. Fikir kala duwanaanta Siyaad Barre iyo Minguste Haile Mariam.

  7. Doorka labadii awoodood ee xiligaas jiray(reer galbeed iyo Sovietka) ay ku lahaayeen dagaalkii Soomaaliya iyo Ethopia ee sanadkii 1977.

  8. Booqashadii Fidel Castro (hogaamiyihii Cuba) ee Soomaaliya iyo Ethopia, isaga oo xal raadis ah. Diidmadii Soomaaliya ee qorshihii Fidel castro uu so bandhigay.

  9. Madaxweynihii hore ee Suudaan Jacfar Numeyri iyo dagaalkii Suudaan iyo Ethopia. Fikirka Numeyri ee awood ciidan carbeed oo mid ah. Soomaaliya maxay ka aaminsaneyd arintaas?

Halkan ka daawo barnaamijkan oo NRK ka baxay 40 sano kahor. 

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments