lørdag, april 20, 2024

Ururka shaqaalaha(LO) oo soo raba in Israel cuno-qabateyn la saaro

Golaha dhexe ee Ururka ay ku mideysanyihiin ururada shaqaalaha dalkan Norway ee LO(Landsorganisasjonen i Norge), ayaa maanta isku raacay in cuno qabateyn dhaqaale, mid dhaqan iyo mid waxbarasho-cilmiyeedba la saaro dowlada Israel.

LO ayaa sheegay inay horey usoo jeediyeen in wadahadal lagu dhameey khilaafka Israel iyo Falastiin, balse waxey sheegeen in arintaas ay hada meesha ka baxday, isla markaana uu xaalku hada kasii daranyahay sidii uu ahaa afar sano kahor. LO ayaa sheegay in ujeedkoodu uu yahay in la abuuro xaalad cusub oo sahli karta wadahadal. Iyaga oo raaciyay in cuno-qabateyn la saaro Israel ay kamid tahay wadooyinka loo mari karo abuurista xaaladaas cusub.

LO ayaa xiriir gaar ah oo dhow laleh xisbiga shaqaalaha ee Ap, lama garan karo sida ay Ap arintan uga fal-celin doonaan iyo waxa ay ka yeeli doonaan rabitaanka LO ee cuno-qabateynta Isreal.

Xigasho/kilde: VG.NO

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x