fredag, april 19, 2024

Trondheim: Xaalada gabar 13-jir soomaali ah oo meel halis ah mareyso, kadib markii shaley laga helay hool lagu dabaasho.

Dhamaan warbaahinta waaweyn ee Norway iyo kuwo lokalka ah ee magaalada Trondheim, ayaa shaley ilaa maanta qoraalo ka qorayay, gabar 13-jir ardey ah oo dugsiga dhexe dhigato, taas oo la dhigay isbitaalka St. Olav, kadib markii laga helay gunta hoose ee biyaha hool lagu dabaasho.

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen qaar kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Trondheim, gabadhan 13-ka jirka ah ayaa ah gabar soomaali ah, iyada oo hada kujirto isbitaalka St.Olav, xaalkeeduna uu marayo meel adag/halis ah(alvorlig).

Booliska iyo isbitaalka ST. Olav ayaa shaley warbaahinta u sheegay in gabadha ay soo gaareen dhaawacyo daran, xaalkeeduna uu wali marayo meel halis ah. Maanta ayuu hadana isbitaalku ST. OLAV soo saarey warbixin kooban oo ay ku sheegayaan in xaalada gabadha ay wali mareyso meel halis ah.

[adsenseyu2]

Ilaa hada boolsiku war rasmi ah kama soo saarin sida ay wax u dhaceen, balse booliska ayaa shaley sheegay inay wareysi la yeesheen qaar kamid ah dadkii joogay hoolka dabaasha ee gabadha laga helay.

Klasska ay gabadha 13-jirka ah dhigato ayaa hoolka u tagay si ay ugu soo dabaashaan, iyaga halkaas ku lahaa xiisad dabaal ah. Warbaahinta qaarkeed ayaa qorayso in hoolka ay ku sugnaayeen caruur kale oo ardey ah iyo waliba dad waaweyn.

Maamulaha iskuulka ay gabadhan yar dhigato, ayaa diiday inuu jawaab ka bixiyo su´aal ku saabsan inta qof ee ku sugnaa hoolka dabaasha gabadha laga soo helay, isaga sheegay inuusan rabin inuu komment ka bixiyo baaritaanka booliska oo wali socda owgiis.

Qaar kamid ah soomaalida aan la xiriirnay ee degan magaalada Trondheim ayaa isweydiinayo su´aalo badan oo ku saabsan qaabka ay wax dhaceen, iyo sababta keentay in gabadha la arki waayo xili hore, maadaama ay goobta ku sugnaayeen dad waaweyn.

Wixii kusoo kordha dhacdadaas dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Adressa-avisen, NRK, TV2, NTB/ABC, VG, NETTAVISEN, P4

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x