fredag, mars 29, 2024

Telefon Number laga leeyahay Soomaaliya oo Jahwareer ku riday dadweynaha Sweden

Telefon Number laga leeyahay Soomaaliya, kana bilowdo furaha Soomaaliya ee +252, ayaa maalmihii ugu danbeeyay jahwareer ku riday qaar badan oo kamid ah dadweynaha reer Sweden. Kuwaas oo qaarkood ay lasoo xiriireen warbaahinta waaweyn ee dalkaas, si ay ugu wargaliyaan arintaas.

Wargeyska Gothenburg Post iyo qaar kale oo kamid warbaahinta Sweden,  ayaa maanta warbixin ka qoray telefoon numberkaas u muuqaal eg in laga leeyahay Soomaaliya, kaas oo maalmahan hurdada u diiday qaar kamid dadweynaha reer Sweden.

Sidoo kale baraha bulshada ayaa maanta aad looga hadalhayaa numberkaas Soomaaliya laga leeyahay, iyada ay dad badanxaqiijinayaan inuu soo wacay.

[adsenseyu2]

Dadka qaarkood ayaa sheegay in marka ay dib ugu celiyaan numberkaas soo wacay, si ay u ogaadaan qofka uu yahay, ay maqlayaan music, waqti dheerna ay qaadaneyso in lala hadlo. Taas oo ugu danbeyn keeneyso in si aad ah loogu dalaco lacagta biilka Telefoonka bilaha ah.

Booliska Sweden ayaa dadweynaha uga digayo ineysan numberkaas qaban marka uu soo waco, ama aysan dib ugu celin. Iyaga oo sheegay inuu yahay number ay adeegsanayaan kooxo burcad ah oo aan la ogeyn cida ay yihiin.

Xigasho/kilde: Gothenborgpost

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x