fredag, april 19, 2024

Sweden: Xisbiga xagjirka ah ee SD oo noqday xisbiga 2-aad ee ugu weyn wadanka

Xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemokraterna ee dalka Sweden ayaa codbixino qaab online ah lagu qaaday ku noqday xisbiga labaad ee ugu weyn wadankaas Sweden, isaga oo ka hormaray xisbigii weynaa ee Moderaterna.

SD oo ah xisbi xagjir  dhinaca midigta fog ah, ayaa sanado kahor ahaa xisbi yar oo cidna aysan wax ku darsan. Laakiin dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ayuu noqday xisbi weyn oo cudud xoog leh ku dhex-yeeshay codbixiyaasha dalka Sweden.

Soo galootigii tirada badnaa oo ay Sweden qaadatay dhowrkii sano ee ugu danbeeyay ayaa kamid ah sababaha keentay in xisbigaas uu mudo yar ku noqdo xisbi weyn oo dalkaas siyaasadiisa saameyn ku yeelan kara.

SD ayaa ah xisbi kasii xagjirsan FRP-ga Norway, waxeyna u egtahay in doorashada soo socoto ee 2018-da ay kaalin muuqdo ka qaadan doonaan siyaasada dalkaas Sweden.

Xigasho/kilde: NTB 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x