Sweden ma aqoonsan doontaa passportka soomaaliga ah?

0
97
Foto: Radio-dalsan

Safiirka dalka Sweden u fadhiyo Soomaaliya, Mikael Lindvall ayaa maalintii sabtida ahey ee lasoo dhaafay, kulan la qaatay madaxa hey´ada laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya, Maxamed aadan Koofi. 

Sida ay qorayaan qaar kamid ah warbaahinada soomaaliyeed, madaxa hey´ada laanta socdaalka Soomaaliya ayaa safiirka Sweden usoo bandhigay qorshe ah in dowlada Sweden ay aqbasho passportka soomaaliga ah. Iyada oo safiirka Sweden uu balanqaaday in dowlada Sweden uu u gudbin doono cidsigaas ka yimid hey´ada socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya.

Safiirka Sweden oo kulankaas kadib saxaafada la hadlay wuxuuna sheegay:

“Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii uu aqoonsi ku heli lahaa baasaboorka Soomaaliga ah. Taasna waxaan horgeyn doonaa madaxda sare ee dowladeyda. Waxayna noqon doontaa in baasaboorka Soomaaliga lugu safri karo, isla markaana lagu tagi karo dalka Sweden.

[adsenseyu2]

Madaxa hey´ada laanta socdaalka iyo jinsiydaha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay:

“Hay’ada socdaalku waxay dadaal ugu jirtaa in Passportka Soomaaliga  ah uu kamid noqdo kuwa ugu awood sareeya Afrika iyo caalamka,  luguna tagi karo dunida oo dhan.”

Sanadihii ugu danbeeyay waxaa si aad ah usoo kordhayay tirada wadamada aqbalayo passportka soomaaliga ah, iyada oo taas ay xal u noqon doono kumanaan qof oo soomaali ah, kuwaas oo dhamaan daafaha caalamka ku dhibaateysan socdaalada ay ku tagaan wadamada dibada ah ama cadeynta aqoonsigooda shaqsiyeed.

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments