Sweden: Dacwad lagu soo oogay siyaasi aflagaado u geystay xulka Qaranka Soomaaliya ee kubada barafka

0
206

Dacwad oogayaasha dalka Sweden ayaa dacwad la xiriirta isir naceyb kusoo oogay siyaasi katirsanaan jiray xisbiga xagjirka ah ee SD, kaas oo lagu eedeeyay inuu aflagaado naceyb ku dheehanyahay ah, kula kacay xulka qaranka Soomaaliya ee kubada barafka(Bandy). 

Siyaasigan ayaa bartiisa Facebooga ku qoray ereyo aflagaado ah oo ay kamid yihiin in xulka Soomaaliya, waxa kaliya oo ay ku fiicanyihiin ay tahay Kufsi iyo dagaal, aysana waxbo ka ogeyn kubada barafka. 

Daniel Edsbagge oo ah dacwad oogaha hogaaminayo kiiska dacwad la xiriira arintan, ayaa sheegay in ereyedaas ay noqon karaan kuwo ku wajahan qowmiyad, maadaama uu ninkan siyaasiga ah adeegsaday ereyo uu ku durayo qowmiyada soomaalida iyo midabkooda. 

Ninkan siyaasiga ah oo horey uga tirsanaan jiray xisbigaas ayaa caan ku ah ereyo aflagaado, cunsurinimo iyo isir naceyb ah, kuwaas oo uu soo dhigo barta Facebooga.

Xulka qaranka Soomaaliya ee kubada barafka(Bandy) ayaa ah dhalinyaro laga uruuriyay Sweden, halkaasna tababar ku qaaday. Waxeyna sanadkii lasoo dhaafay ka qeybgaleen koobka aduunka ee kubada barafka, kaas oo ka dhacay Sweden, gaar ahaan magaalada Trollhåten. 

Hadii ninkan siyaasiga ah lagu helo dacwad lagu soo oogay, wuxuu muteysan karaa ciqaab ah ganaax lacageed iyo waqti tijaabo ah. Waxaa sidoo kale dhici karta in lagu xukumo ciqaab xabsiyeed.

Xigasho/kilde: bohuslaningen.se 1, Bohuslaningen.se 2, UNT.SE

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments