Sida ay qoreyso wakaalada wararka NTB iyo wargeysyo kale oo badan, maxkamada darajada koowaad ee Bergen ayaa 17-sano oo xabsi ah ku xukuntay 43-jirkii soomaaliga ahaa ee xaaskiisa dilka u geystay sanadkii 2015.

[adsenseyu2]

Ninkan soomaaliga ah ayaa sidoo kale waxaa lagu xukumay inuu bixiyo lacag dhan 3,8 milyan NOK, taas oo ah magdhow la siinayo caruurta lixda ah oo ay ninkan iyo marxuumada xaaskiisa aheyd ay wada dhaleen.

Dacwad-oogaha dowlada ee kiiskan gacanta ku hayay ayaa xeer-ilaalinta ka dalbaday in ninkan soomaaliga ah lagu xukumo 17-sano oo xabsi(Halkan ka akhri warkaas), waxaana muuqato in maxkamadu ay dacwad-oogaha ku raacday dalabkiisii ahaa xukunka 17-ka sano.

Xigasho/kilde: Bergenavisen, NTB

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of