torsdag, mars 28, 2024

Soo galootiga Yurubta bari ka imaada oo si labo jibaar ah(2X) u taageero xisbiga FRP

Warbixin iyo tirokoob ay soo saartay wakaalada xog uruurinta ee SSB ayaa lagu ogaaday in 6 kamid ah 10-kii qof ee soo galooti ah, kuwaas oo ka yimid wadamada dhaca Afrika iyo Aasiya, ay doorashadii 2015 u codeeyeen xisbiga shaqaalaha ee Ap.

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu ogaaday in xisbiga FRP uu taageero aad u weyn ka heysto soo galootiga kasoo jeedo Yurubta bari ama Yurubta faqriga ah(sida ay soomaalida qaarkeed ugu yeeraan). FRP ayaa taageero labo jibaar le eg taageerada uu ka helo dadweynaha kale ee reer Norway, ka helay soo galootiga kasoo jeed Yurubta bari ee faqriga ah.

Tirokoobkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in markasta oo ay kor u kacdo aqoonta qofka soo galootiga ah ee ka yimid Afrika iyo Aasiya, ay hoos usii dhaceyso taageerada uu u hayo xisbiyada bidixda, gaar ahaan xisbiga shaqaalaha.

Xigasho/kilde: NRK, P4.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x