mandag, mars 18, 2024

Safaarada Norway ee Kenya/Somalia oo kulan isugu yeereyso qurbo-joogto soomaaliyeed ee reer Norway

Safaarada Norway ee dalka Kenya ayaa bogeeda internetka kusoo daabacday, qoraal ay kulan ku casuumayaan qurbo-joogta soomaaliyeed ee reer Norway. Kulankaas oo dhici doono 9-ka bishan mai, kana dhici doono dhismaha safaarada Norway ee Kenya. 

Kulankan ayay safaaradu sheegtay inuu yahay mid wadahadal ah, kaas oo dhex-mari doono safaarada iyo qurbo-joogto soomaaliyeed ee reer Norway. Waxaana waxyaabaha looga hadli doono kamid ah, cusbooneysiinta passporada, diiwaan-galinta safarada dibada ah, dib ugala noqoshada sharciga jinsiyada Norway, caruurta dibadaha looga soo tago iyo talooyin ku saabsan safarada dibada. 

Xigasho/kilde: Halkan ka akhri warkan oo faah-faahsan. Norway.no

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x