tirsdag, april 16, 2024

Qareenka Bushro Jama: Kiiska Bushro waa in maxkamad lagu go´aamiyaa

Labo maalmood kahor ayuu baarlamaanka Norway isku raacay in kiisaska la xiriira dib ugala noqoshada sharciga jinsiyada, lagu go´aamiyo maxkamad oo kali ah. Isla markaana awooda sharci kala noqoshada sharciga jinsiyada laga qaado hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da.

Qareenka Bushro Jama oo ah gabadhii soomaalida aheyd ee sharciga ay kala noqotay laanta socdaalka ee UDI-da, ayaa sheegay in arintaas ay si dadban ugu fiicantahay kiiska Bushro. Laakiin wuxuu raaciyay ineysan wax saameyn ah oo deg-deg ah ku yeelan karin kiiska bushro, maadaama ay kala duwanyihiin kala noqoshada sharciga jinsiyada iyo sharciga magangalyada/dal kujooga.

[adsenseyu2]

Daniel Riibe-Stokland oo ah qareenka Bushro ayaa wargeyska Vesterålen Online u sheegay inay muhiim tahay in kiisaska bushro oo kale ah, lagu go´aamiyo maxkamada, maadaama si lamid ah sida sharciga jinsiyada ah ay muhiim ugu yihiin dadka ay saameynta ku leedahay.

Qareenka ayaa sidoo kale codsaday in ugu yaraan Bushro la siiyo jaanis ay kiiskeeda shaqsi ahaan ugu sharaxdo UNE-da Oslo. Wuxuuna raaciyay in dadka go´aanka gaarayo ay inta badan ka qiyaas qaataan documentiyada qoraalka ah ee loo soo diro, iyaga oo aan la kulmin shaqsiga iyo qoysaska ay saameynta ku leedahay go´aankooda.

Xigasho/kilde: Vesterålen Online.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x