torsdag, april 25, 2024

Per Sandeberg: Waxaan kulan isugu yeerayaa wasiirada dowlada, si loo joojiyo dhoofinta caruurta norwiijiga ah

Sii hayaha xilka wasaarada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada, Per Sandberg oo katirsan xisbiga FRP, ayaa wargeyska Nettavisen u sheegay inuu la yaabanyahay(amakaagsanyahay), waxa ay dhagahiisu maqlayaan ee ku saabsan caruurta soomaalida ah ee wadanka laga celiyo, si ay quraan usoo bartaan.

Sandberg ayaa sheegay inuu kulan isku imaansho ah isugu yeeri doono wasiirada ay khuseyso arintan, si ay uga tashadaan waxa ay hey´adaha dowladu ka qaban karaan arinkan, iyaga oo adeegsanayo xeerarka hada u dagsan dowlada. Hadii lagu baahdana isbadal lagu sameeyo xeerarka dowlada si loo joojiyo waxa uu u magacdaray dhoofinta caruurta norwiijiga ah.

[adsenseyu2]

Wasiirkan oo katirsan xisbiga FRP ee meel uu usoo garan la´aa soo galootiga, ayaa sheegay inay tahay xiligii ay soo bixi lahaayeen go´aamo lagu joojinayo aritan.

Fari kama qodna faanoole:

Maalmo kahor ayaan soomaalida Norway uga dignay duufaan dhanka warbaahinta kaga soo socoto, taas oo ku saabsan arimaha caruurta la celiyo. Waxaa muuqato in duufaantii aan ka digeynay ay soo dhacday, iyada oo ka xoogbadan intii aan fileynay.

Waxey u muuqataa in doodan ay hada uu bilaabatay, wax badan ay kasii dhimanyihiin.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x