fredag, april 19, 2024

NTB: FRP oo soo jeediyay in baaritaano lagu sameeyo masaajidada iyo goobaha cibaadada dadka muslimiinta ah

Isbuucan dhamaadkiisa waxaa furmi doono shirka qaran ee xisbiga FRP, kaas oo sanadkan ah mid laga warsugayo waxa ay kaga hadli doonaan, maadaama uu xisbigooda lumiyay taageerayaal badan intii ay xukuumada Solberg kamid ahaayeen.

Qodoboada miiska u saaran oo ay isku raacsanyihiin, ayaa waxaa sanadkan kamid ah, soo jeedin ah in baaritaan lagu sameeyo masaajidada iyo goobaha ay ku cibaadeystaan dadka muslimiinta ah.

FRP ayaa sheegay in arintan ay ugu dan-leeyihiin in la ogaado waxyaabaha ka socdo gudaha masaajida iyo goobaha cibaadada muslimiinta, si loo hubiyo inay yihiib goob cibaado ama inay yihiin goobo lagu diyaariyo argagaxisada mustaqbalka(waa sida ay hadalka u dhigeene).

Xigasho/kilde: Nationen, NTB

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x