fredag, april 19, 2024

Moelv: Falkii lagu dhaawacay gabadha soomaalida ah, wuxuu qarka u saarnaa dil

Warbixin(rapport) cusub oo laga soo saaray dhacdadii uu ninka soomaaliga ah, dhaawacyada daran ugu geystay gabadha soomaalida ah deegaanka Moelv ee Hedmark, ayaa lagu sheegay in falkaas uu ahaa mid isku day dil ah, ninkaas soomaaliga ahna uu qarka u saarnaa inuu gabadha soomaalida ah dilo.

Warbixinta cusub ayaa ah mid laga diyaariyay dhaawacyada uu ninkaas u geystay gabadha, waxeyna xoojineysaa dacwada booliska ay ninkaas kusoo oogeen oo ah isku-day dil, sida uu qorayo wargeyska Hamar-Arbeidsblad. 

[adsenseyu2]

Dhacdadan ayaa dhacday 8-dii Desember ee sanadkii lasoo dhaafay, iyada oo ay boolisku horey u sheegeen in labadaas qof ee soomaalid ah uu ka dhaxeeyay xiriir wada-sheekeysi.

Ninkan soomaaliga ayaa ilaa markaas ku xirnaa xabsiga Hamar, iyada oo booliska Hamar ay mar kale maxkamada Hamar ka codson doonaan in ninkaas xabsiga lagu sii hayo. Booliska ayaa sabab ka dhiganaya in ninkan soomaaliga uusan Norway ku laheyn sharci dal-kujoog, isla markaana ay ka cabsi qabaan inuu wadankan ka baxsado.

Wargeyska HA ayaa qorayo in ninkan uu xareystay codsiga magangalyada, balse uusan wali jawaab ka helin codsigiisa magangalyo.

Dacwad oogaha dowlada ee kiiskan gacanta ku hayo, ayaa sheegay inuu diyaarinayo dacwada uu ninkan soomaaliga kusoo oogi lahaa, isaga oo sheegay inuu sugayay soo bixitaanka warbixintan maanta soo baxday.

Wargeysyada lokalka ah ee gobolada Oppland iyo Hedmark ayaa si aad ah u hadalhayo dhacdadan, gaar ahaan warbixinta cusub ee maanta soo baxday.

Xigasho/kilde: NRK, HA, GD.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x