Meeqa ayuu ahaa mushaarka Erna Solberg(R.S Norway) sanadkii 2016?

2
252

Norway waa mid kamid ah wadamada ugu taajirsan, uguna nolol fiican aduunka. Hadana reysulwasaaraha Norway ayaa mushaar ahaan qaata lacag aad uga yar mushaarka sanadlaha ah oo ay qaataan madaxda dalal badan oo Afrikan ah, oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Erna Solberg ayaa sanadkii lasoo dhaafay mushaar ahaan u qaadatay 1.294.216 nok(ku dhawaad hal milyan iyo sadex boqol NOK). Lacagtaas oo dollar ahaan u dhiganto ku dhawaad 150 kun oo dollar. Ogow lacagtaas waxey kasii bixineysaa canshuur kor u dhaafeyso 40%.

Madaxda gobolada Norway qaarkood iyo wasiirada golaheeda xukuumada, ayaa qaata mushaar ka badan kan reysulwasaaraha Erna Solberg.

Madaxweynaha Soomaaliya: 12 000-15 000 dollar bishii.

Inkasta oo aan si sax ah loo heyn mushaarka dhabta ah ee uu qaata madaxweynaha Soomaaliya, hadana waxaa mushaarka madaxweynaha Soomaaliya, lagu qiyaasaa 12 000 ilaa 15 000 dollar bishii. Lacagtaas oo sanadkii gaareyso 180 000 dollar.

Tusaale ahaan waxaa mushaarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Hassan Sheikh Mahamoud, lagu qiyaasaa inuu ahaa  14 000 dollar bishii, una dhiganta sanadkii 168 000 dollar. Wali wax warbixin ah kama soo bixin mushaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, M.A. Farmaajo.

Soomaaliya waa mid kamid wadamada aduunka ugu dhaqaalaha yar, isla markaana ugu wax soo saarka yar. Hadana mushaarka madaxda wadankeena, wuxuu ka badanyahay mushaarka reysulwasaaraha Norway oo sanadkii qaata lacag ka yar 150.000 $.

Xigasho/kilde: Hegnar.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

2 Comments
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Biggie
6 years ago

Laba xisaabood oo kala duwan ayaad ku sheegteen mushaharka raysal wasaraha Norway, marna waxad tidhahdeen lacag milyan iyo dhowr ah marna lacag dhan boqol iyo konton kaliya. Hilmaam hadal kuma jiree halkaa inaga hubiya hada.

Jaanac
Jaanac
6 years ago
Reply to  Biggie

Sxb midna waa dollar (150), midna waa lacagta norway(milyanka).