Maxkamada Tromsø oo 13 sano ku xukuntay nin dil u geystay haweeney norwiiji ah

0
171
Maxkamad

W.Q: Mohamed Abdulqaadir Daahir(MCD): NRK-Journalist


Maxkamadda magaalada Tromsø ayaa 13-sano xabsi ah ku xukuntay Nin Ruwaandees 36-jir ah, kaas oo haweeney Norwegian ah oo ay saaxiibbo ahaayeen ku dilay magaalada Tromsø xagaagii lasoo dhaafay.

Maxkamadda magaalada Tromsø ayaa ku amartay in dambiilaahaas gacan ku dhiiglaha ah uu bixiyo lacag dhan 480,000NOK, lacagtaas oo ah magdhaw iyo duugta loogu talagalay in la siiyo waalidiinda dhaley haweeneyda uu dilay .

Ninkaan Ruwaandeeska ah ayaa si arxan darro ah u dilay haweeney reer Tromsø ah oo lagu magacaabi jiray Linn Olsen Uteng oo 32-jir aheyd, kadib markii uu 22-jeer ka tooreeyey dhinaca xabadka. Waxa uuna xiriirkooda saaxiibtinimo soo bilawday sanadkii 2009-kii, iyada oo ninkaani la sheegay in guriga uu ku dilay haweeneydaas uu ka amaahday saaxiibkiis. Waxana uuna guriga ku yaallay wadada Røstbakken ee jasiiradda Tromsø.

[adsenseyu2]
Gacankudhiiglahaas ayaa maxkamadda ka hor qirtay talaadadii inuu isagu gacantiisa ku dilay saaxiibtiis. Gacankudhiiglahaasi la xukumay ayaa isagoo sheeganaya magaca Jimmy Mutabati magangelyo kasoo dalbaday Norway isagoo sheeganaya inuu ka yimid Dalka Koongo, hase-yeeshee waxa ay maxkmaddu ogaatay inuu u dhashay dalka Rwanda, islamarkaasna uu aqoonsi been ah ku joogay wadanka muddo 8-sano ah.

Maxkmadda ayaa sidoo kale qof goobjooge ah oo saaxiib la aheyd haweeneyda dhimatay u xaqiijisay in xiriirkii ka dhexeeyey ninka Rwandeeska ah iyo gabdha uu aad u xumaaday islamarkaasna ay Linn dooneysay maalinta la dilayay inay u sheegto ninkaas in xiriirkoodii uu soo idlaaday. Waxa ayna marqaatigaasi intaasi ku dartay in ninkaasi ay ka shaki qabeen muddo saddax sano ah, iyaga uga cabsi qabay inuu dilo saaxiibtiis iyo iyadaba.

Haweeneydaasi tooreyda sida arxan darrada ah loogu dilay magaalada Tromsø 28-kii july 2016-kii ayaa kamid ah howlawadeennada xarunta lagu xanaaneeyo Dadka waaweyn ee Sør Tromsøyesykehjem ee magaalada Tromsø.

Link-iga warbixintaasi oo dhammeystiran ka aqriso bogga NRK.-

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments