torsdag, april 25, 2024

Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digayo u safarka wadamo ay kamid yihiin Sweden iyo U.K

Ma maqli jirtay Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digayo inay u safraan Afrika iyo bariga dhexe, hada sheekadu waa Mareykanka oo muwaadiniintiisa uga digayo safarada wadamo waaweyn oo Yurub ah.

Wasaarada arimaha dibada ee dalka Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay weeraro argagaxiso oo laga yaabo inay xagaagan ka dhacaan qaarada Yurub, gaar ahaan wadamada U.K, Sweden, France iyo Ruushka. Wasaarada ayaa sheegtay in kooxda Daacish iyo dadka taageersan ay awoodaan abaabulka iyo fulinta weeraro argagaxiso oo xagaagan ka dhaca qaarada Yurub.

[adsenseyu2]

Wasaarada ayaa muwaadiniinta Mareykanka ah, si gaar ah uga digtay inay ku sugnaadaan meelaha ay dadku ku badanyihiin ama ay isugu imaadaan. Sida Xafladaha tamashleynta, Xarumaha(senterada) waaweyn ee laga adeegto, garoomada diyaaradaha, maqaaxiyaha caanka ah ee laga cunteeyo iyo waliba dhismayaasha dowlada. Wasaarada ayaa sheegtay in goobahaas ay inta badan yihiin bar tilmaameedyada kooxaha argagaxisada ah.

Xigasho/kilde: VG.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x