(Maqaal)-Erey halistiisa leh oo soomaalida Norway kusoo kordhay, muxuu sababi karaa

0
131
Maqaal: Cabdulaahi Abdi

Tani markii ay shaacisay hay’adda agaasinka qaxootiga ee UDI ee dalka Norway, in dib u eegis lagu sameynaayo dadyowga soomaaliyeed oo heysta sharciga Kumeelkaarka ah iyo waliba dhalashada dalka norway, waxey qal-qal xoogan iyo jahwareer kadhex abuurtay guud ahaan shacabka soomaaliyeed ee Norway kusugan.

Hadalkaas kasoo yeeray UDI, islamarkaa horboodayaan qaar katirsan xisbiyada siyaasada ee dalka norway ayaa shacabka soomaaliyeed kadhigay mid shucuurtooda aad u kacsan. Waxdyna sababtay in hadal heynta ugu badan ee shacabka soomaaliyeed ee Norway, ay arintaas noqoto.

Dib u eegista lagu sameynaayo dadyowga aan kor kusoo xusay, ayaa waxaa kasoo dhex baxay erey halistiisa leh ,kasoo siweyn u isticmalayeen qaar katirsan bulshada Soomaalida, isla markaa sababtay in qaar badan bulshada dhex-deeda uu yaraaday is dhex galkooda.

Ereygaas halistiisa in badan oo soomaali ah aysan ka warqabin ayaa ah,  WAA LA ISOO JAAJUUSAY. Taasoo noqotay hadal siweyn bulshada ukala dilay, isla markaa qaar badan oo bulshada siweyn u isticmaalayeen taniyo markii soo ifbaxay dibu eegista sharciyada soomaalida.

[adsenseyu2]

Ereygaas ayaa la ogsoonyahay in oo yahay erey halistiisa aan lagu soo koobi karin hal maqaal oo qura, isla markaa sababo in guud ahaan bulshada uu ku ridi mugdi iyo kala-shaki.

Waxyaabaha laga dhaxlo isticmaalka ereygaan ayaa ah. kala qo-qobka bulshada soomaaliyeed, midnimada la’ aanta, isku duubnida oo lawaayo,isla shaqeyn la’aanta bulshada, islamarkaa is ogeysiin la’aan wax waliba oo soo kordha wuxuuna oo fududeeyaa in bulshada si waliba laga yeeshto.

Qorista maqaalkan ayaa igu kaliftay marka aan arkay soomaali farabadan oo isticmalaayo waanala soo jaajuusay, balse aan u heyn wax cadeyn ah, marka laga reebo hadal qabsiga ereygaan oo bulshada dhex deeda kanoqday wax caadi ah. Balse waxeysan ogsooneyn in ereygaan oo qura ku weyn doonto dad qiimo kuleh naftaada, isla markaa kaa caawin lahaa waxyaabo badan sida sharciyada iyo sosial media oo ah aalada dad badan laga soo tixraacay.

Isku soo wada duub shacabka soomaaliyeed ee kusugan dalka norway waxa oga digayaa isticmaalka ereygaan waxaana oo halis u yahay midnimada bulshadeena waxaana oo sababi kartaa in dhex deena aan kala baqno oo aan is xog ogaanin.


W.Q: Cabdulaahi Abdi, Oslo-Norway


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontooda, khibradaada ama hamigaaga aad la qeybsato bulshada soomaaliyeed ee Norway, Denmark iyo Sweden, waxaad qoraalkaada noogu soo gudbin kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments