torsdag, april 25, 2024

Listhaug: Hadaad dalkeena necebtahay, passportka iska soo xaree, wadankana isaga bax.

Waxaa maalmahan magaceedu uu warbaahinta kusoo noqday, wasiirada arimaha soo galootiga, Sylvi Listahug oo intii mudo ahba aan warkeedu warbaahinta laga maqal. Listahaug oo xidig lama taabtaan ah ka noqotay siyaasada dalkan Norway, ayaa sacab iyo soo dhaweyn aan sinaba caadi aheyn ka heshay xubnaha xisbiga FRP, markii ay sabtidii khudbada ka jeedineysay shirka qaran ee FRP.

Listahug: Damiin far waaweyn ayaa wax loogu dhigaa. 

Listhaug oo uu hadalkeedu uu u muuqday mid aysan wax reebaneyn, ayaa qalin iyo far waaweyn wax ugu dhigtay dadka aan wali fahansaneyn siyaasadeeda iyo waxa ay rabto.

Waxaan aragnaa dad ku koray, kuna dhashay Norway, kuwaas oo neceb dalkeena iyo waxa aan u taaganahay. Fariinteyda aad u diranayo dadkaas waa, Ma necebtahay dalkeena, passportka soo xaree, wadankana isaga bax.

[adsenseyu2]

Sacab iyo mashxarad cir iyo dhul ah ayaa isqabsaday, marka ay Listhaug hadalkaas ka jeedineysay shirka qaran ee FRP. Taas oo loo fasarin karo in dhamaan xubnaha FRP ay hadalkeeda la dhacsanaayeen.

Wasiiradan ayaa sidoo kale soo jeedisay in dhaar la mariyo dadka qaadanayo dhalashada dalkan Norway, isla markaana lagu dhaariyo inay daacad u ahaan doonaan Norway.

Listhaug ayaan wali kusoo noqon xafiiska shaqada wasiirnimo, iyada oo wali kujirto fasaxa dhalmada, maadaama ay bilo kahor ilmo dhashay.

FRP ayaa la daalaa dhacayo cod-yari iyo taageero la´aan soo wajahday mudooyinkii ugu danbeeyay, iyada oo xisbigu uu hada marayo meeshii ugu hooseysay mudo sanado ah.  Waxeyna isbuucan shirkooda qaran ku meel-mariyeen qodobo xasaasi ah, oo intooda badan looga soo horjeedo soo galootiga.

Xigasho/kilde: SMP.NO 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x