fredag, april 19, 2024

liibaan Cabdi oo noqday ciyaaryahanka ugu ciyaar fiican horyaalka Norway ee Eliteserien

Laacibka soomaaliga ah ee u ciyaaro kooxda Haugesund, Liibaan Cabdi ayaa isbuucan kaalinta koowaad kaga jiro ciyaaryahanada ugu ciyaarta fiicnaa Horyaalka heerka koowaad ee kubada cagta Norway, isbuucii lasoo dhaafay.

Liibaan oo weerar garabka bidix ah uga ciyaaro Haugesund ayaa ilaa hada dhaliyay 2 gool, todobo ciyaarood oo uu u saftay kooxdaas.

Qiimeynta muuqaal-baahiyaha TV2, qeybtiisa ciyaaraha, waxey Liibaan galiyeen kaalinta koowaad ee laacibka ugu ciyaar fiicnaa horyaalka, isbuucii lasoo dhaafay. Halka qiimeynta wargeyska Dagbladet uu liibaan ku daray kaalmaha hore ee laacibiinta ugu ciyaar fiicnaa isbuucii lasoo dhaafay.

Journalka lokalka ah ee magaalada Haugesund ayaa warbixin dheer ka diyaariyay liibaan, sida uu u arko xili ciyaareedkan iyo sida uu rajeynayo inuu kusoo dhamaado.

Halkan ka akhri Warbixin Hnytt ee liibaan Abdi .

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x