Foto: Tollvesenet

Sida uu qorayo wargeyska lokalka ah ee Glåmdalen(Kongsvinger), ilaalada xuduudka dalkan Norway, ayaa 19-kii bishan May qabtay sadex nin oo soomaali ah oo heysta dhalashada Sweden, kuwaas oo Norway soo galinayay 15.4 kilo oo qaad ah.

Ilaalada xuduudka ayaa sheegay inay ka shakiyeen baabuurta ay ragaan soomaalida ah wateen markii ay xuduudka soo dhaafayeen, taas oo sababtay inay baabuur kasoo daba qaataan, kuna istaajiyaan meel u dhow deegaanka Ullern(Sør odal). Waxeyna sheegeen in markii ay baabuurka baareen, ay ka heleen baco madow oo ay kujiraan qaad dhan 15.4.

Ilaalada ayaa wargeyska Glåmdalen u sheegay in ragan ay sheegeen in khaadkaas uu ahaa caleemo kale, iyaga oo raaciyay inay booqasho ugu socdeen qoysaskooda oo degan magaalada Oslo.

Ganaax dhan 8000 iyo musaafurin labo sano

Ilaalada xuduudka ayaa raaciyay inay sadexdan qof ee soomaalida ah ay ku wareejiyeen booliska Kongsvinger, kuwaas oo ku ganaaxay lacag dhan 8.000 NOK, iyada oo loogu daray inaysan Norway soo gali karin mudo labo sano ah. Waxaa sidaas wargeyska Glåmdalen u xaqiijiyay Rune Bekkemoen oo katirsan booliska Kongsvinger.

Xigasho/kilde: Glåmdalen.no

[adsenseyu2]

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of