Keshvari: Hala ciqaabo waalidka ilmahooda dugsi qur´aanka ugu dira Soomaaliya

0
112
Foto: Skjermdump/nettavisen

Mezyar Keshvari oo ah afhayeenka xisbiga FRP ee arimaha soo galootiga, ayaa wargeyska Nettavisen u sheegay in waalidka caruurtooda dugsi quraanka ugu dira Soomaaliya, ay mudanyihiin in la ciqaabo.

In caruur norwiiji ah laga kaxeeyo meel nabad ah, lana geeyo meel aan la aqoon oo Soomaaliya gudaheeda ah, laguna ciqaabo/jirdilo halkaas, waa inay yeelataa cawaaqib. Arimahan oo kale waa in baaritaan ay ku sameeyaan booliska Norway, waalidkana waa ciqaab ay mutaan. 

Keshvari ayaa sidoo kale soo jeediyay in waalidka caruurtooda u dira Soomaaliya, si ay dugsi quraan usoo bartaan, laga jaro lacagta kaalmada dhaqaalaha dowlada, isla markaana la qiimeeyo inay lumiyaan xaqa waalidnimo.

Soomaaliya waa meel nabad ah oo qoxootiga lagu celin karo:

[adsenseyu2]

Keshvari ayaa dhanka kale sheegay in soomaalida kunool Norway ay badankoodu ku imaadeen qaab qoxootinimo, ayaga oo magangalyo doon ah. Hadana wuxuu sheegay in soomaalidii Soomaaliya kasoo carartay, ay caruurtooda u dirayaan wadankii ay waalidku kasoo carareen amni daro awgii.

Wuxuuna raaciyay in hadii Soomaaliya ay tahay meel nabad ah oo caruurta lagu celin karo, ay sidoo kale noqon karto meel nabad ah oo waalidka lagu celin karo. Isaga oo sheegay in taas ay kamid aheyd sababaha xisbigooda oo kamid ah dowlada ku dhaliyay, inay dib u qiimeyn ku sameeyaan sharciyada magangalyada dadka soomaalida ah oo uu sheegay ineysan magangalyo u baahneyn.

Aaway siyaasiyiintii soomaalida:

Dooda ku saabsan arintan ku saabsan caruurta soomaalid ah ee wadanka laga celiyo, waxey hada socotaa mudo isbuuc ah. Ilaa hadana majiro siyaasi soomaali ah oo intuu soo istaagay arintaas ka hadlay.

Siyaasiyad iyo xaqiiqada dhabta ah:

Sida uu NRK ka dhawaajiyay maalmo kahor, waa dhab inay jiraan caruur badan oo soomaali ah, kuwaas oo looga soo tagay Soomaaliya, waalidkoodna ay halkan joogaan. Weyna muuqataa in qaarkood ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan. Taasna waa xaqiiqo dhab ah oo aan la qarin karin ama indhaha laga qabsan karin.

Laakiin markey sheekadu gasho siyaasad iyo cod kasbasho, waxey meesha ka baxayo xaqiiqada dhabta ah ee miiska saarneyd, iyada oo xisbi walba, gaar ahaan FRP ay u qaloocin karaan sidii ay rabaan oo iyagaa markaas la quman ama ay cod ku heli karaan.

Hadii aan la helin dad soomaali ah oo xaqiiqada arintan sara, warbaahintana soo horistaaga, waxaa ka dhalan karta cawaaqib xumo iyo xeerar ay adagtahay in hadhow la badalo.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments