Kala bar qoxootiga kunool Norway, suuqa shaqada kama dhex-muuqdaan

0
129

av Mohamed Abdulkadir Dahir(MCD)-nrk-journalist.


In ka badan 180-kun oo qaxooti ah ayaa ku nool Norway, kuwaas oo ay kamid yihiin dad ka dhex muuqda suuqyada shaqada, inkastoo ay jiraan dad badan oo isku dayay inay shaqooyin raadiyaan balse aan helin. Iyada oo intaasi ay usii dheertahay caqabadaha haysta dadka qaxootiga oo badankood ay luuqaddu ku adagtahay, marka ay ku cusubyihiin dalka . Halka qaar kalena ay Norway imaadeen iyaga oo aan wax qori ama aqrin karin.

Dadka da’doodu udhexeyso 15-74 jir ayaa ah dadka ugu badan ee suuqyada shaqada aad uga dhex muuqda. Tusaale ahaan Gobolkani Troms, 2-kamid saddaxdii qof waa dad mushaar qaata oo shaqeysta, taasoo tusineysa in qaxootiga ay ka faa’iideysteen fursadaha shaqada islamarkaana qaar badan oo kamid ah ay wax bartaan.

Dadka soomaalida waxa ay si weyn uga dhex muuqdaan suuqyada shaqada ee woqooyiga Norway iyo guud ahaan qeybaha kale ee dalka Norway.
Dad badan oo kamid ah qaxootiga waxey heystaan shahaadooyinka sare ee heerka jaamacadeed ama dugsiga sare iyo hoose.

Halkaan ka aqriso warbixin uu Tv-iga Qaranka Norway Nrk, ka diyaariyey in kala bar qaxootiga ku nool Norway ay shaqeeyaan iyadoo warbixinta tirokoobka ah aan isla qornay aniga iyo weriye Petter Strøm oo ka tirsan NRK. (Halkan click sii)

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments