torsdag, april 25, 2024

Jan Bøhler: Caruurta Soomaaliya laga soo celiyo, waxey macaamiil ka noqdaan Nav inta ka dhiman noloshooda.

Waxaa wali socoto duufaantii dhanka warbaahinta Norway ka imaaneysay, taas oo ka dhalatay warbixintii NRK ee dhacdadii Hargeysa iyo waliba rapportkii safaarada Norway ee Kenya, kaas oo ku saabsanaa caruurta soomaalida ah ee Norway laga celiyo, loogana soo tago Soomaaliya.

Muuqaal-baahiyaha TV2 ayaa saaka barnaamijkiisii dooda subaxnimo kusoo qaatay arintaas, iyaga oo ku casuumay Jan Bøhler(Xisbiga Ap) oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway iyo Kristin Vinje(Xisbiga Høyre) oo iyadna katirsan baarlamaanka Norway, kana mid ah gudiga qaabilsan waxbarashada iyo cilmibaarista. 

[adsenseyu2]

Jan Bøhler ayaa sheegay in caruurta Soomaaliya dugsi quraanka loo geeyo, ay macaamiil ka noqdaan Nav, inta ka dhiman noloshooda, marka ay Norway kusoo noqdaan. Isaga oo raaciyay in arintaas ay khatar ku tahay isdhexgalka bulshada ee qofka dhalinyarada ah iyo waliba mujtamaca guud ahaan.

Bøhler ayaa dowlada ku eedenayo inaysan arintaas si dhab wax uga qaban, isaga oo ku cadaadinayo inay soo saaraan go´aamo arintaas looga hortago. Wuxuuna raaciyay in kalfadhiga xiga ee baarlamaanka uu arintaas kaga hadli doono, su´aalana uu ka weydiin doono wasiirka waxbarashada Norway.

Shaley ayay sidoo kale cadaatay in booliska Norway ay baaritaan iyo dabagal ku hayaan dhacdadii dugsi quraanka Hargeysa. Halkan ka akhri warkaas.

Kristin Vinjen oo katirsan xisbiga talada haya ee Høyre ayaa iyadna qirtay dhibaatada ay leedahay caruurta wadanka lagu soo celiyo, balse waxey iska fogeysay eeda Bøhler ee ah in dowlada aysan arintaas waxbo ka qabanin. Waxeyna raacisay in masuuliyada ugu weyn ee arintan ay dusha ka saarantahay maamulada degmada, aysana aheyn howl masuuliyadoodu ay hoos imaaneyso dowlada dhexe.

Xigasho/kilde: TV2.no(halkan ka daawo doodan).

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x