tirsdag, april 23, 2024

Hooyo soomaali ah oo Denmark laga tarxiilay, caruurteediina laga reebay

Wargeyska Berlingske oo kasoo baxa dalka Denmark ayaa warbixin dheer ka qoray sheekada hooyo soomaali ah, taas oo dowlada Denmark ay si qasab ah ugu tarxiishay dalka Kenya, iyada oo laga reebay labo wiil oo ay dhashay,  oo midkood ay nuujineysay.

Hooyadan ayaa katirsan qoys soomaali ah oo ka kooban shan qof, waxeyna iyada, ninkeeda iyo afar wiil oo ay dhashay ay ku noolaayeen dalka Denmark in mudo ah. Berlingske ayaa qorayo in hooyadan loo diiday sharciga magangalyada iyo waliba kan dib u midowga qoysaska.

[adsenseyu2]

Labo isbuuc kahor ayaa waxaa si qasab ah Nairobi loogu tarxiilay hooyada soomaalida iyo labadeeda wiil ee waaweyn, halka labada wiil ee yar-yar oo midkood uu 10-bilood jiro looga tagay aabaha oo kusugan Denmark. Wiilka 10-bilood jirka ah ayaan wali ka go´in nuujinta hooyadii oo dowlada Denmark ay Nairobi uga tarxiishay.

Booliska Denmark ayaa xili habeen ah weerar ku qaaday guriga qoyskan soomaaliga ah, iyaga oo si qasab iyo juujuub ah hooyadan ku geeyay garoonka diyaaradaha, halkaas oo laga saaray diyaarad u socotay Nairobi.

Dhacdadan argagaxa badan ay la kulmeen qoyska soomaaliyeed ayaa ah mid muran ka dhalisay warbaahinta Denmark, iyada oo aad loo hadalhayo falkaas guracan oo ay ku kaceen booliska qaabilsan tarxiilka dadka sharciyada magangalyada loo diiday. Waxeyna aheyd dhacdo ugub ah(cusub)  oo aan nooceeda oo kale horey looga arkin dalkaas, sida ay qorayaan qaar badan oo kamid ah warbaahinta Denmark.

Hadaba madaxa xafiiska baarlamaanka Denmark u qaabilsan la socoshada xadgudubyada dowlada ee ku aadan dadka shacabka ah, ayaa sheegay inuu si baaritaan ku sameyn doono dhacdadan qabsatay qoyskan soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay inuu baaritaan ku sameyn doono inay jirto xadgudub xaga sharciga ah oo ay sameeyeen booliska Denmark, markii ay howlgalkan fulinayeen.

Hooyadan soomaaliyeed iyo labadeeda wiil ee waaweyn ayaa hada ku sugan dalka Kenya, halka aabaha iyo labada wiil oo yar-yar ay ku suganyihiin Denmark.

Xigasho/kilde: Berlingske 1, Berlingske 2

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x