torsdag, april 25, 2024

Deg-deg: Gabdho soomaali-Norwiiji ah oo Booliska Somaliland ay hargeysa dugsi quraan ka kaxeysteen

Waxaa labadii maalmod ee ugu danbeeyay warbaahinta soomaalida, gaar ahaan kuwo Somaliland la isla dhex-marayay in labaatameeyo gabdhood oo qurbaha laga keenay, ay booliska Somaliland ka kaxeysteen goob dugsi quraan ah oo ay kuleej ahaan ugu xareysnaayeen. Halkan ka daawo muuqaalka arintaas.

TV-ga qaranka Norway ee NRK ayaa daqiiqado kahor soo qoray warbixin ay arintaas uga hadlahayaan, iyaga oo sheegay in labo gabdhood oo kamid ah gabdhaha dugsi quraanka laga kaxeystay ay heystaan dhalashada dalkan Norway. Sidoo kale waxaa la xiray nin soomaali-norwiiji ah, kaas oo dugsiga wax ka lahaa.

[adsenseyu2]

Wasaarada arimaha dibada Norway ayaa sheegtay inay la socoto in labo gabdhood oo soomaali-norwiiji ah, laga soo kaxeeyay magaalada Hargeysa. Sidoo kale wasaarada ayaa xaqiijisay in Somaliland uu ku xiranyahay shaqsi soomaali ah oo heysto dhalashada Norway. NRK ayaa qoreyso in shaqsigaas uu wax wado shaqada goobta dugsi-quraanka ah ee gabdhahaas lagu hayay.

Sida ay NTB iyo NRK qorayaan, safaarada Norway ee Kenya ayaa la xiriirtay shaqsigaas, iyaga oo usoo bandhigay caawinta asaasiga ah ee shaqsiyaadka norwiijiga ah ee wadanka dibadiisa lagu xiro.

Gabdhahan ayey da´doodu u dhaxeysaa 15 ilaa 20 sano. Intooda waxey heystaan dhalashada dalka U.K, halka 2 kamid ah ay heystaan dhalashada Norway, 2 kalena ay heystaan dhalashada Denmark.

Goobta dugsi quraanka ah ee gabdhaas ay dhigayeen ayaa ah meel loogu talo-galay dhaqan-celinta gabdhaha soomaalida ah ee qurbaha laga keenay. Sida ay NRK qoreyso mid kamid ah gabdhaha halkaas dhiganayay oo kasoo baxsaday, ayaa sheegtay in goobtaas lagu jirdilo caruurta dhigato.

NB: Arintan wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo galin doonaa. 

Xigasho/kilde: NRK, Dagbladet.no 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x