Fadumo Dayib oo Erna Solberg iyo madaxda wadamada Nordica kala qeybgashay shirkooda sanadlaha ah

0
198

Waxaa dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyay, magaalada Bergen ka socday shir ay lahaayeen reysulwasaarayaasha dalalka la isku yiraahdo Nordica. Waxaana shirkaas kasoo qeybgalay reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg, Reysulwasaarayaasha wadamada Sweden, Denmark, Finland iyo Iceland.

Dadka sanadkan shirkaas lagu casuumay, waxaa kamid ah Faadumo Dayib oo kamid aheyd musharaxiintii u taagnaa doorashada madaxweyne ee dalka Soomaaliya, iyada oo hadana ah madaxa ururka UN Women Somalia.

Faadumo ayaa madaxda dalalka Nordica ka hor akhrisay qisada nolosheeda iyo sida iyada oo 18-sano jir ah ay qoxootinimo kusoo gashay dalka Finland, halkaas oo ay ka sameysatay nolol leh waxbarasho iyo isku filnaan. ilaa ay markii danbe ku hamiday inay Soomaaliya hogaamiso, isku taagto doorashadii madaxtinimo ee dalka Soomaaliya. Dayib ayaa raacisay in iyadu ay yahay tusaalaha muuqdo ee guuleysiga siyaasada sinaanta raga iyo dumarka ee dalalka Nordica.

Sida ay Faadumo Dayib ku qortay bogeeda Twitterka, waxaa loo magacaabay inay noqoto danjiraha ajandaha qodob kamid ah ajandayaasha shirka madaxa Nordica ee sanadkan, kaas oo ah «Nordicgender Effect».

 

Xigasho/kilde: Norden.org

[adsenseyu2]

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments