DNB oo joojin doono (Bank i butikk)-adeegii lacagta dukaanka looga shuban jiray

0
128

Wixii ka bilowda kowda bisha juni ee sanadkan 2017(labo maalmood kadib), bankiga DNB ayaa gabi ahaanba joojin doono adeegii dadka u sahli jiray inay lacagaha kaarka bankiga kaga shubtaan dukaamada cuntada, sida Kiwi-ga ama Meny-ga.

DNB ayaa sheegtay inuu soo yaraanayo isticmaalka macaamiisha ee adeegaas, sidaas darteedna ay go´aansaden inay soo afmeeraan wada-shaqeyntii kala dhaxeysay shirkada Norges-Gruppen oo iska leh milkiyada ilaa 1.300 dukaan oo dadka ay lacagaha kaga shuban jireen.

Sida ay DNB sheegtay, wixii ka danbeeyo taariikhdaas, suurtogal ma noqon doonto inuu qofka lacag cadaan ah ku wareejisto kaarkiisa bankiga ama uu lacag cadaan ah kala soo baxo dukaanka, isaga oo adeegsanayo bank i butikk.

Waa suurtogal in qofku uu lacag kala soo baxo dukaanka, waase hadii uu dukaanka wax ka gato, isla markaana uu dukaanka markaas hayo lacag cadaan ah oo ku filan.

POSTADA: Lacag waad kaga shuban kartaa ama kala bixi kartaa

DNB ayaa dhanka kale sheegtay in dadku ay wali lacagaha kala soo bixi karaan ama kaga shuban karaan xarumaha Postada.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments