tirsdag, april 23, 2024

Denmark: Soomaali gurigiisa miino laga helay oo xabsi lagu xukumay

Maxkamad kutaal dalka Denmark ayaa wiil, 25-jir soomaali ah ku xukuntay 2 sano iyo bar xabsi ah, iyo waliba musaafurin ay shuruudi ku xirantahay, kadib markii dhamaadkii sanadkii hore gurigiisa laga helay miino(bombo).

Cadeymaha maxkamada la horkeenay ayaa waxaa kamid ah dhiig(DNA) cadeyn ah iyo faraha wiilkan soomaaliga ah, kuwaas oo lala xiriirinayay miinada gurigiisa laga helay. Booliska Denmark ayaa horey u xaqiijiyay in wiilkan uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagaxisada ah.

[adsenseyu2]

Qareenka wiilkan ayaa isla shaleyba racfaan ka qaatay go´aanka maxkamada, isaga oo sheegay inay jiraan DNA iyo faro kale, kuwaas oo iyagana xiriir la lahaa miinada guriga laga helay.

Magaca 25-jirkan soomaaliga ah ayey warbaahinta Denmark ku sheegeen Libaan Ahmed Hassan Warsame.

Xigasho/kilde: Politiken.dk, Ekstrabladet.dk 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x