torsdag, april 18, 2024

Booliska Norway: Waxaan baaritaan ku sameyn doonaa dhacdadii Hargeysa

Booliska Norway, gaar ahaan qeybta dabagalka danbiyada ka dhaca wadanka dibadiisa(Kripos) ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan dugsi quraankii Hargeysa, ee laga soo qabtay gabdho ay kamid ahaayeen kuwo heysto dhalashada dalkan Norway.

Axel Wihelm oo ah talobixiye dhanka xiriirka ah oo katirsan Kripos ayaa sheegay inay ka warqadaan dhacdadaas dugsi quraanka hargeysa, isaga oo raaciyay inuu soo gaaray codsi ka yimid booliska U.K, kaas oo ku saabsan inay dhacdadaas baaritaan ku sameeyaan.

[adsenseyu2]

Axel ayaa raaciyay in qeybo badan oo kamid ah Kripos ay howshan ka geysteen caawinaad xaga macluumaad bixin ah, laakiin wuxuu diiday inuu faah-faahin dheeri ah ka bixiyo nooca baaritaan oo ay boolisku dhacdadaas ku sameeyeen.

Waxaan la tagayaa baarlamaanka:

Dhanka kale Jan Bøhler oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway ayaa dhankiisa sheegay inuu su´aalo arintan ku saabsan la tagi doono kalfadhiga dhageysiga baarlamaanka, isaga oo sheegay inuu dalbanayo in dowlada ay arintan si fiican u dabasho, isla markaana ay wax uga qabato si loo badbaadiyo caruurtaas.

Bøhler oo katirsan xisbiga shaqaalaha ayaa sidoo kale raaciyay inuu ku faraxsanyahay in booliska Norway ay arintan baaritaan ku sameeyaan, arintaasna ay digniin u tahay waalidiinta raba inay caruurtooda dugsi quraan ugu diraan wadankii ay ayagu asal ahaan kasoo jeedeen.

Xigasho/kilde: NRK

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x