onsdag, april 24, 2024

Baarlamaanka Norway oo isku raacay in caruurta aan laga qaadin sharciga jinsiyada, hadii waalidka lagala noqdo sharciga jinsiyada

Dhamaan xisbiyada kujiro baarlamaanka Norway, ayaa caawa isku raacay isbadal ku saabsan sharciga dib ugala noqoshada sharciga jinsiyada. Iyaga oo isku raacay in caruurta aan laga qaadin sharciga jinsiyada dhalashada Norway, hadii waalidkii dhaley lagala noqdo sharciga jinsiyada, sababo la xiriira inay ka been-sheegeen aqoonsigooda shaqsiyeed. Waxaa warkan caawa soo tabiyay muuq-baahiyaha TV2.

TV2 ayaa sidoo kale qorayo in maalinta barito ah(talaadada) sharcigaas la meel-marin doono, isla markaana isbadal qodobkaas ku saabsan lagu sameyn doono dastuurka dalkan Norway.

[adsenseyu2]

Xogyahaya guud ee xisbiga KRF, Hilde Frafjord Johnson ayaa sheegtay in caruur danbi-laaweyaal ah, aan loo ciqaabi karin qalad ay waalidkood galeen. Arintaasna ay aheyd mid aan cuntami karin.

KRF ayaa sidoo kale dalbanayo, in caruurta mar horeba laga qaaday sharciga jinsiyada, uu isbadalka qodobkaas ee xaga sharciga qabto.

Xigasho/kilde: Aftenposten, ABC-Nyheter, NTB, NRK

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x