Angela Merkel: Yurub ha isku tashato, yeysan D. Trump isku haleyn

0
93

Hogaamiyaha dowlada federalka ah ee Germany, Angela Merkel ayaa sheegtay in la joogo xiligii ay dowladaha Yurub ka tashan lahaayeen aayahooda, isla markaana aysan isku haleyn karin Mareykanka uu madaxnaha ka yahay Donald Trump. Hadalka Merkel ayaa yimid, kadib markii uu soo dhamaaday shir ay lahaayeen madaxda dowladaha la isku yiraahdo G7, iyada oo muujisay niyad-jab iyo filanwaa ay ka qaaday la kulanka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Trump ayaa dowladaha Yurub ku eedeeyay ineysan qeybtooda ka bixin lacagaha tirada badan ee ku baxa ciidadama Nato, isaga oo ka dalbaday inay dhankooda bixiyaan qeybtooda kaga aadan qarashaadka ku baxa gaashaan-buurta Nato.

Merkel ayaa fariin u dirtay midowga EU iyo guud ahaan dowladaha Yurub, iyada oo dareensiisay inaan lagu tashan karin Mareykanka uu madaxweynaha ka yahay ganacsade Trump, iyada oo muujisay in la joogo xiligii ay aayahooda si gaar ah uga tashan lahaayeen.

Trump ayaa sidoo kale ku goodiyay inuu ka bixi doono heshiiska ilaalinta cimilada iyo hawada ee sanadkii 2015 lagu galay Paris, isaga oo sheegay inuu go´aan kama danbeys ah uu gaari doono isbuucan inagu soo aadan.

Hogaamintii Mareykanka oo luntay iyo Germany oo badali kara:

Tan iyo markii uu xilka madaxweyaha Mareykanka uu la wareegay Donald Trump, waxaa sii wiiqmayo awoodii hogaamineed ee Mareykanka. Waxaana maalinba maalinta kasii danbeyso soo cadaaneyso, in la joogo xiligii la heli lahaa dowlad qaadata booskii Mareykanka ee ahaa hogaaminta iyo isku heynta dhaqaale ama milatary ee dalalka reer galbeedka.

Dad badan ayaa aaminsan in Germany ay tahay dowlada kali ah ee xiligan qaadan karto booska uu sii baneynayo Mareykanka, kadib markii ay U.K isaga baxday midowga EU. Germany ayaa ah wadanka ugu awooda-dhaqaale badan wadamada Yurub, ahna udub-dhexaadka isku xira midowga EU.

Xigasho/kilde: VG.no

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments