Amal Aden: Naceybka reer galbeedka iyo ka fogaanshahooda ayaa caruurta lagu baraa dugsiyada quraanka Soomaaliya

0
203
Foto:SIMEN GRYTØYR

Waxaa wali socoto duufaantii dhanka warbaahinta Norway ee ka dhalatay dhacdadii Hargeysa, iyo warbixintii ay NRK ka diyaarisay caruurta iyo dhalinyarada soomaalida ah ee wadankii dib loogu celiyo, si ay quraanka usoo bartaan.

Amal Aden oo soomaalida Norway ay aad u wada yaqaanaan, ayaa sheegtay in dugsiyada quraanka ee Soomaaliya kuyaalo, caruurta lagu baro naceybka galbeedka iyo ka fogaanshaha dhaqankooda bulsho(qayimkooda). Amal oo u warameysay wargeyska Vårt land ayaa sheegtay in:

[adsenseyu2]

Waayadii hore waxay dugsiyada quraanku ahaan jireen meel ardeyda lagu baro salaadaha iyo akhriska/xifdinta quraanka, laakiin hada waxaan qabaa dareenka ah in waxa dugsiyada lagu bartaa hada, ay yihiin wax ka xagjirsan taas. Hada waxaa lagu baraa naceybka galbeedka, ujeedkuna uu yahay in dhalinyaradaas ay noqdaan kuwo ka dheeraado/fogaado dhaqan-bulsheedka(qayinka) reer galbeedka galbeedka. 

Amal ayaa sii raacisay in sababta dugsiyada quraanka caruurta iyo dhalinyarada soomaalida ah loo geeyo ay tahay, in waalidku ay ka cabsi qabaan in caruurtu ay qaataan dhaqanka norwiijiga.

Vårt-land ayaa Amal weydiiyay sida lagu xalin karo arintaas, waxeyna ku jawaabtay in iskuulada norwiijiga ay ku dhiiradaan la xisaabtanka waalidiinta soomaalida ah, hadii caruurta loo diro Soomaaliya, isla markaana aysan kusoo noqon iskuulka. Iyada oo raacisay inay luminayaan waxbarashadooda, saaxiibadood iyo fursad ay wadankan ku dhex-gali lahaayeen.

Xigasho/kilde: Vårt-land-papiravis-16-5-2017(side 6-7)

[adsenseyu2]

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments