21% dadka reer Norway, waxey kunoolyihiin lacag ay ka qaataan Nav

0
141

Tirokoob ay soo saartay hey´ada Nav ayaa lagu soo bandhigay in 21% dadweynaha reer Norway ee da´doodu ay u dhaxeyso 18 ilaa 66 sano, ay sanadkii 2016 ku noolaayeen lacag ay ka heleen heyáda Nav. Isku cel-celis dad dhan 712.000 qof ayaa bil walbe sanadkii lasoo dhaafay ku noolaa lacag ay ka helaan hey´ada Nav.

Lacagtaas ayaa isugu jirto lacagta ceyrta, lacagta dadka shaqada ay ka dhamaatay ay qaataan, tan lagu kabo waalidiinta kalida ah iyo waliba lacagta la siiyo dadka aan awooda u laheyn inay shaqeystaan.

Guud ahaan dad dhan 1,2 milyan ayaa sanadkii lasoo dhaafay xili kooban ama xili dheer ay ku noolaadaan lacag ay ka qaadanayeen NAV. Waxeyna tiradaas u dhigantaa 33% dadweynaha reer Norway oo ay da´doodu u dhaxeyso 18 ilaa 66 sano.

NAV ayaa sheegtay in sanadkii lasoo dhaafay ay bixisay lacag dhan 174 bilyan oo NOK, taas oo ku bixiyeen kaalmada nololeed ee dadweynaha.

Xigasho/kilde: NRK, VG, Hegnar.no 

[adsenseyu2]

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments