torsdag, april 25, 2024

Xijaabka dartiis ayaa shaqo loogu diiday: Xijaabka ama shaqada kala dooro

Shirkada diyaaradaha SAS ayaa gabadhan oo lagu magacaabo Aye Alhassani u diiday inay shaqaaleysiiso, sababo la xiriira xijaabka ay xirantahay oo laga codsaday inay iska dhigto.

Aye Alhassani oo 23-jir Swedish ah ayaa soo codsaday shaqada shirkada SAS, waxeyna kasoo gudubtay qeybaha kala duwan ee wareysiga shaqada , ilaa ay soo gaartay qeybtii ugu danbeysay ee sida gaarka ah iyada loo wareysanayay. Waxaana la weydiiyay inay suurtogal tahay inay xijaabka iska dhigto, maadaama siyaasada shirkadu ay kamid tahay in qofku uusan xiran karin calaamad muujineyso diintiisa.

[adsenseyu2]

Gabadhan ayaa sheegtay ineysan arintaas suurtogal aheyn, waxeyna raacisay inay aad uga carootay hadalka SAS, maadaama ay kasoo gudubtay dhamaan qeybihii kale ee wareysiga shaqada.  Iyada oo raacisay inay tahay in qofka lagu shaqaaleysiiyo aqoonta iyo khibrada uu u leeyahay shaqada, balse aan lagu dooran dharka uu xiranyahay.

Shirkada SAS ayaa sheegtay inay rabto in shaqaalaha diyaaradaheedu ay xirtaan dhar isku mid ah, sidaas darteed ay u diidanayaan inay shaqaaleysiiyaan qof xijaab xiran. SAS ayaa cuskaneyso sharci ay midowga Yurub ansixiyeen bishii Maars ee sanadkan, kaas oo dhigaya in shaqa-siiyuhu uu qofka u shaqeeyo, ku amri karo inuu xijaabka iska dhigo.

Gabadhan 23-jirka ah ayaa sidoo kale raacisay inay sharcigaas uu ka dhiganyayahay in boqolaal haween muslimiin ah laga horistaagi karo suuqa shaqada, sababo la xiriira dharka ay doorteen inay xirtaan.

Xigasho/kilde: Nettavisen, Nyheter24

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x