fredag, mars 29, 2024

Wasiirkii hore ee arimaha dibada Denmark: Soomaaliya ma joogto xili qoxooti dib loogu soo celiyo

Wasiirkii hore ee arimaha dibada dalka Denmark, horeyna u ahaan jiray madaxa xisbiga Sosialdemakratiet(S), Mogens Lykketoft ayaa sheegay in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan maanta aheyn mid si fiican u cago-dhigatay, isaga oo ka digay in qoxooti soomaaliyeed xiligan dib loogu celiyo wadankoodii.

Mogens ayaa hogaaminayay gudi katirsan baarlamaanka dalkaas, kuwaas oo safar sahan ah ku tagay wadamada geeska Afrika, si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan xaalada amaan ee gobalka. Wuxuuna soo saarey warbixin uu ku sheegayo in Soomaaliya aysan xiligan awoodin qaabilaada qoxooti laga soo celiyay wadamada Yurub.

Mogens oo katirsan xafiiska xoghayaha guud ee qaramada Midoobay, ayaa dowlada Denmark kula taliyay inay dhageysato digniinta qaramada midoobay ee ku aadan dib u celinta qoxootiga soomaaliyeed. Isaga oo sheegay in Soomaaliya aysan hada ka jirin dowlada xoog badan, taas  awoodi karto inay damaanad qaado amaanka qoxootiga laga soo celinayo Yurub.

Hadalka Wasiirkii arimaha dibada hore ee dalka Denmark, ayaa kusoo aadayo xili ay dowlada Denmark sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo gaaraya 800 qof.

Xigasho/kilde: Politiken.dk

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x