torsdag, april 18, 2024

Wasiirka ganacsiga Germany: Ama dhaqanka iyo nolosha Yurub aqbala ama wadamo islaam ah u guura

Wasiirka ganacsiga dalka Germany, ninka lagu magacaabo Wolfgang Schäuble ayaa wareysi uu dhawaan bixinayay ku sheegay in dadka muslimiinta ah ee aan ku qanacsaneyn nolosha iyo dhaqanka Yurub, gaar ahaan Germany ay u guuraan wadan islaam ah oo ay ka heli karaan nolosha ay rabaan.

Wasiirkan oo katirsan xisbiga hogaamiyaha federaalka Germany, Angela Markel ayaa sheegay in dalka Germany uu leeyahay dhaqan iyo hab nololeed soo jireen ah, sidaas darteed qofkii imaado ee raba inuu ku noolaado dalkaas, uu ku qasbanyahay inuu dadkiisa dhinac ka raaco. Hadii kalena uu u guuro meeshii uu ka heli karo nolosha uu rabo.

[adsenseyu2]

Hadalka wasiirkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay soo dhawyihiin doorashooyinka madaxtinimo ee dalkaas. Waxaana loo maleynayaa in wasiirkan uu hadalkaas ku kasbanayo codadka iyo kalsoonida dadka kasoo horjeedo soo galootiga.

Dalka Germany ayaa labadii sano ee ugu danbeeyay magangalyo siiyay dad qoxooti muslimiin ah, kuwaas oo kor u dhaafaya hal milyan. Waxaana soo badanayo isku-dhacyada xaga dhaqanka iyo diinta ah oo ay warbaahinta dalkaas si maalinle ah u hadalheyso.

Xigasho/kilde: Somalsche

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x