Wasiir beyle oo la kulmi doono wafdi ka socdo wasaarada arimaha dibada Norway

0
105

Sida ku xusan war saxaafadeed maanta kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Norway, xoghayaha arimaha horumarinta ee wasaarada arimada dibada, haweeneyda lagu magacaabo Tone Skogen ayaa la kulmi doonto wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha maaliyada Soomaaliya, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Tone iyo wasiir Beyle ayaa ka wada qeybgali doono shirka bankiga aduunka ee ka dhici doono magaalada Washington ee dalka Mareykanka. Kaas oo furmi doono maalinta barito ah(20-April-2017).

Sida ku xusan war saxaafadeedka wasaarada arimaha dibada, xogyaha arima horumarinta ee wasaaradaas, ayaa sidoo kale la kulmi doonto wasiirka maaliyada dalka Nigeriya iyo madaxa bankiga horumarinta qaarada Afrika.

[adsenseyu2]

Wasiir Beyle ayaa sanado aad u badan ka shaqeyn jiray bankiga horumarinta qaarada Afrika.

Norway ayaa kamid ah wadamada lacagta ugu badan ee deeqda ah siiya  bankiga aduunka, iyada oo Soomaaliyana ay kamid tahay wadamada deeqda mucaawinimo ee ugu badan ka hela Norway.

Xigasho/kilde: Regjeringen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments