torsdag, april 25, 2024

Warbaahinta Norway oo aad u hadalheyso maxkamada ninka soomaaliga ah ee xaaskiisa dilka u geystay

Waxaa maanta maxkamada darajada koowaad ee magaalada Bergen ka bilaabatay maxkamadeynta 43-jir soomaali ah, kaas oo sanadkii 2015 dil u geystay xaaskiisa oo ay wada dhaleen lix caruur ah.

Waxaa saaka hoolka maxkamada soo buux-dhaafiyay wariyeyaal ka socdo warbaahinta lokalka ah ee magaalada Bergen iyo waliba kuwa waaweyn ee dalka oo dhan laga aqristo. Waxeyna wax ka qorayaa kiiska dacwada lagu soo oogay ninkan soomaaliga ah ee xaaskiisa minida ku dilay sanadkii 2015. Warbaahinta qaarkeeda ayaa gudaha u galay kiiska dacwada qoyskan, iyaga oo qorayo macluumaad hoose oo ku saabsan nolosha qoyskan, kahor inta uusan dhicin falka naxdinta leh ee dilka ah.

Aabahan soomaaliga ah ayaa maanta maxkamada kahor sheegay in isaga iyo marxuumada xaaskiisa aheyd, uu ka dhaxeeyay xurguf iyo muran qoys oo meel sare gaaray, kaas oo ugu danbeyn sabab u ahaa falka dilka ah. Wuxuuna raaciyay in noloshiisii wanaagsaneyd iyo wax walba oo uu aduunka ku heystay uu ku lumiyay daqiiqado gudahood, uuna falkaas ka qoomameeyo habeen iyo maalin.

[adsenseyu2]

Ninkan ayaa waxaa lagu soo oogay labo danbi-dacweed oo ku saabsan inuu fal dil ah u geystay xaaskiisa iyo inuu jirdil u geysan jiray shan kamid ah lixda caruurta ah ee uu dhalay.

Sida uu sheegay qareenka eedeysanaha, wuxuu 43-jirkan soomaaliga ah qirtay falka dilka ah ee uu xaaskiisa u geystay, balse wuxuu diiday dacwada ku saabsan inuu jirdil u geysan jiray xaaskiisa.

Dacwada maxkamadeynta 43-jirkan soomaaliga ah, ayaa socon doonto ilaa mudo 2 isbuuc ah.

Xigasho/kilde: BA, BT, BT NTB, NRK

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x