torsdag, april 25, 2024

war deg-deg ah: Ugu yaraan sadex qof oo ku dhimatay weerar argagaxiso oo waxyar kahor dhacay Stocklom

Ugu yaraan sadex qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena wey ku dhaawacmeen weerar argagaxiso oo daqiiqado kahor ka dhacay magaalada Stocklom ee dalka Sweden. Weerarkan ayaa ahaa mid loo adeegsaday baabuur kuwo xamuulka ah oo lala galay goob dukaan ah oo dad ay ka adeeganayeen

Reysulwasaaraha dalka Sweden oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in wax walba ay tilmaamayaan in weerarkan uu ahaa mid argagaxiso, isla markaana ay boolisku soo qabteen qof looga shakisanyahay inuu weerarkan ka danbeeyay.

Wixii kusoo kordha dhacdadan dib ayaan kasoo galin doonaa.

Xigasho/kilde: Expressen.se

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x